Kai Havertz Oo Kashifay Sababta Uu Ugu Dhibaatoonayo Premier Leaggue.

0
41

 

Saxiixa cusub ee kooxda chelsea Kia Havertz ayaa ka hadlay sababta uu ugu dhibaatoonayo in uu la qabsado horyaalka premier League.

Xiddiga reer Germnay ayaa 71 milyan oo euro ugu soo biiray Stamford Bridge bishii September isaga oo kaga soo biiray Bayer Leverkusen.

Havertz ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu fiican Bundesliga isaga oo dhaliyay 36 gool sidoo kale sameeyay 25 caawin 118 kulan oo uu u ciyaaray Leverkusen.

Laakiin xiddiga ayaa qirtay in ay ku adagtahay la qabsashada premier League isaga oo ku fashilmay in uu wax gool ah dhaliyo Premier League.

Havertz oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waa igu adag aniga sababta oo ah premier League waa mid gabi ahaan ka duwan horyaalka Germany”.

“Waa mid ka cadaadis badan waxana aan dareemay arintaas kulamadii ugu horeeyay”.

“Waxa aan doonayaa in aan todobaadyada iyo Bilaha soo socda ka faa;iidaysto”.

“Sababta aan ugu dhibaatooday Premier League waa in aanan tababar badan la qaadan kooxda kaliya waxa aan tababar la qaatay 6 maalin kadib waxa aan ciyaaray kulankaygii ugu horeeyay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here