Kai Havertz Oo Chelsea U Sheegay Lambarka Uu Doonayo In Uu U Qaato Kooxda.

0
55

Wiilka cusub ee Chelsea Kai Havertz ayaa lagu soo waramayaa inuu codsaday Lambarka Fikayo Tomori ee No.29 xilli uu daafaca da’yarka ah ku dhawyahay in uu heshiis amaah ah ugu biiro kooxda Everton.

Havertz ayaa noqday saxiixii 6-aad ee kooxda chelsea ee xagaagan kadib markii ay Blues todobaadkii hore ku dhawaaqday saxiixa xiddiga 21 jirka ah.

Xiddiga reer Germany ayaa lagu qiimeeyaa in uu ka mid yahay xiddigaha da’yarka ah ee ugu fiican kubada cagta waxana uu haatanba tababarka la bilaabay kooxda chelsea.

Chelsea ayaan wali xaqiijin Lambarka Havertz waxana ay dad badan filayeen in uu qaato No.10 oo uu baneeyay Willian oo ku biiray Chelsea.

Laakiin wargayska Tha Athletic ayaa sheegaya in uu Havertz doonayo Lambarka No.29 kaas oo uu muddo 4 sano ah u xidhay kooxda Leverkusen.

Daafaca Tomori oo haatan Chelsea u xidha lambarkaas ayaa la filayaa in uu heshiis amaah ah ugu biiro kooxda chelsea maalmaha yar ee soo socoda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here