Kadib Thiago Alcantara, Xiddig Muhiim U Ah Liverpool Oo Tababarka Ku Seegay Sabab La Xidhiidha Xanuunka Korona.

0
55

 

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa si lama filaan ah u seegay tababarka Liverpool ka hor kulanka Aston Villa ee Horyaalka premier League.

Xiddiga reer Senegal ayaa la nasiyay kulankii ay Liverpool guuldarada kala kulantay kooxda Arsenal kulan ka tirsan Carabao Cup-ka kulan ka dhacay Anfield.

Warar isa soo tarayaa ayaa sheegaya in sababta uu xiddigu seegay tababarka tahay mid la xidhiidha xanuunka Korona inkasta oo aanay jirin wax faah-faahin dheeraad ah.

Xanuunka Korona ayaa fara baas ku haya adduunka halka todobaadkii hore laga helay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Thiago Alcantra.

Sadio Mane ayuu haatan shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa kulanka Aston Villa ee dhici doonta Axada kana tirsan premier League.

Sadio ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedka isaga oo 3 gool dhaliyay 2-dii kulan ee ugu dambeeyay premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here