Kadib Mane Iyo Thiago, Xiddig Kale Oo Liverpool Ah Oo Laga Helay Xanuunka Korona.

0
52

 

Waxa ay u muuqataa in uu Xanuunka Korona Faro ba’an ku hayo kooxda Liverpool wakhtigii ugu dambeeyay kadib markii la xaqiiji xiddigii 3-aad ee uu kaga dhoco wax 7 maalin ka yar.

Xidhiidhka xulka qaranka Switzerland ayaa haatan xaqiijiyay in xanuunka Korona laga helay xiddiga garabka ka ciyaara ee Xherdan Shaqiri.

Xiddiga Xherdan Shaqiri ayaa ah xiddigii 4-aad ee u ciyaara kooxda Liverpool ee laga helay xanuunka Korona todobaadyadii ugu dambeeyay.

Ka helista Xherdan Shaqiri ee xanuunka Koron ayaa imanaya maalmo kadib markii uu xiddiga Sadio Mane xanuunka dartiis u seegay kulankii Aston Villa ee Axadii.

Xherdan Shaqiri ayaa xiddigaha Liverpool ee laga helay xanuunka Kula biiray xiddigaha Thiago, Sadio Mane, Kostas Tsimikas kuwaas oo laga helay xanuunka.

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here