Kadib Kulan Xaraarad Leh, Tottenham Oo Rikoodhayaal Ku Garaacday Chelsea Iskana Xaadirisay 8 Dhamaadka Carabao Cup-ka

0
69

 

Kulan xiiso leh ayaa kooxaha Tottenham iyo Chelsea ku dhexmaray tartanka Carabao Cup-ka kulan ka tirsanaa wareega 16-ka ee tartanka.

Labada kooxood ayaa kulanka u bilowday si dar-dar leh iyaga oo isugu jawaabayay weerar iyo weerar celis xilli koox walba raadinaysay goolka furitaanka.

Kooxda chelsea ayaa qaybtii hore ahayd kooxda fiican dhanka fursadaha inkasta oo ay labada kooxoodba isku qaadayeen weeraro halis ah laakiin Tottenham ayaa ku dhibaatoonaysay goolka hortiisa.

Dadaalkiis iyo dar-dartii ayaa chelsea u midho dhalisay kadib markii ay daqiiqadii 19-aad dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta.

Xiddiga Timo Werner ayaa ugu dambayn goolkii ugu horeeyay u dhaliyay chelsea kulan Rasmi ah isaga oo kooxdiisa hogaanka u dhiibay.

Kadib goolkaas kooxda Tottenham ayaa u muuqatay kuwo bilaabay raadinta goolka bar-baraha laakiin mar walba oo ay goolka hortiisa yimaadaan waxa dhimanaysay kubada.

Chelsea ayaa dhankeeda dhawr mar ku dhawaatay in ay sii dheeraysto goolasha Tottenham-na ka disho rajo kasta oo ay ciyaarta ugu soo laaban karto.

Laakiin umay suurtagalin in ay shabaqo soo taabtaan ama gool u badalaan fursadihii fiicnaa ee ay heleen qaybta hore ee ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ahayd kuna xaraarad leh ficiltan xoogana ka dhexeeyay xiddigaha iyo tababarayasha labada kooxood.

Xitaa heer waxa la gaadhay in ay labada tababare ee Jose Mourinho iyo Frank Lampard kalmado kulul is dhaafsadaan markii ay dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Tottenham gabi ahaan ku soo gashay kuwo ka duwan sidii qaybtii hore iyaga oo dhan walba kaga fiicnaa kooxda chelsea.

Dhanka kale Blues ayaa u muuqatay kuwo daafac galay iyaga oo doonayay in ay ilaashadaan shabaqa iyo goolka ay ku hogaaminayaan ciyaarta.

Tottenham ayaa samaysay fursado wareer ah iyo waliba isku dayo cajiib ah oo ay ku doonaysay in ay ku dhaliso goolka bar-baraha.

Jose Mourinho ayaa qaaday talaabo la yaab leh kadib markii uu isagu lugiisa uga baxay garoonka kuna aaday qolka labiska kadib soo diray Eric Dier kaas oo doontay biyo uu cabo.

Daqiiqadii 84-aad ayay Tottenham dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Erik Lamela kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta guud ahaan 90-kii daqiiqo iyada oo si toos ah loo galay rikoodhayaal si loogu kala boxo kulanka.

Waxana ay guushu rikoodhayaal ku raacday kooxdaTottenham  iyaag oo dhaliyay 5 gool halka Chelsea dhalisay 4 gool, Tottenham ayaana sidaas isaga xaadirisay wareega 8 dhamaadka tartanka Carabao Cup-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here