Kadib Kulan Waali Ah Inter Milan Oo Guul Ka Gaadhay Kooxda Fiorentina

0
61

 

Kooxda Inter Milan ayaa guul ka gaadhay kooxda Fiorentina kulan ka dhacay garoonka San Siro kana tirsanaa kulankii ugu horeeyay ee Inter Milan.

Kooxda Fiorentina ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay xilli ciyaareedka iyaga oo Inter Milan kaag nixiyay gool wakhti hore ah.

Daqiiqadii 3-aad ayay Fiorentina dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Christian Kouame kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Xilli la filayay in ay qaybta hore ee ciyaartu ku dhamaato sidaas ayay daqiiqadihii ugu dambeeyay wax is badaleen.

Daqiiqadii 45-aad ayay Inter Milan dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Lautaro Martinez kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Inter Milan si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay ciyaarta dhanka kale u rogaan.

Daqiiqadii 52-aad ayay Inter Milan dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu si khaldan goolkiisa uga dhaliyay xiddiga Fiorentina ee Federico Ceccherini.

Laakiin Kooxda Fiorentina ayaan is dhiibin waxana ay sii wadeen raadinta in ay ku soo laabtaan ciyaarta inta uuna wakhtigu ka dhicin.

Daqiiqadii 57-aad ayay Fiorentina Dhalisay goolka 2-aad ee bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Gaetano Castrovilli kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Kooxda Fiorentina ayaan halkaas ku joogsan laakiin sii waday raadinta goolasha iyo in ay dhankooda u rogaan ciyaarta.

Daqiiqadii 63-aad ayay Fiorentina dhalisay goolka hogaanka ahaana goolka 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Federico Chiesa kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Laakiin Inter Milan ayaa awoodooda muujiyay iyaga oo daqiiqado gudohood dhankooda ugu rogay ciyaarta waliba Fiorentina Rajada ka dilay.

Daqiiqadii 87-aad ayay Inter Milan dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta ahaana goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Romelu Lukaku.

Laba daqiiqo kadib ayay Inter Milan dhalisay goolka 4-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Danilo D’Ambrosio kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa Inter.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaar waali ah oo 7 gool la kala dhaliyay waliba labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here