Kadib Bixitaankii Ivan Rakitić BArcelona Markale Xaqiijisay Xdig Kale Oo Ku biirayo Inter Milan

0
76

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Barcelona ee Ramon Planes ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga khadka dhexee ee Arturo Vidal isaga caraabay kooxda isaga oo u mahad celiyay xiddiga khadka dhexe.

Vidal ayaa haatan wadahadalo horumar leh kula jira kooxda Barcelona waxana ay u muuqataa in uu agaasimuhu haatanba xaqiijiyay bixitaanka xiddiga khadka dhexe.

Ramon Planes oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Arturo Vidal waxa uu wadahadalo horumar leh kula jiraa Inter Milan dhawaana waa lagu dhawaaqi doonaa hshiiskiisa laakiin wali waxba lama dhamaystirin”.

“Waxa aan doonayaa in aan Vidal uga mahad celiyo wax walba oo uu soo bandhigay wakhtigii uu nla joogay”.

Xiddiga Khadka dhexe ee Vidal ayaa Barcelona kaga soo biiray Bayern Munich isaga oo 2 xilli ciyaareed la qaatay kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here