Ka Hor Kulanka Chelsea Iyo Liverpool, Mohamed Salah Oo Rikoodh Xun Ku Leh Stamford Bridge.

0
66

Garoonka Stamford Bridge ayaa marti galin doona kulan adag oo dhexmari doona kooxaha Chelsea iyo liverpool kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa kulanka soo galay isaga oo doonaya in uu soo afjaro rikoodh xun oo uu ku leeyahay Blues tan ilaamarkii uu xidhay maaliyada casaanka ah ee Liverpool.

Salah ayaa Chelsea ka hor tagaya kulankiisii 4-aad ee garoonka Stamford Bridge tan ilaa markii uu ku soo biiray Reds sanadkii 2017.

Garoonka Stamford Bridge ayaa ku adkaaday xiddiga Mohamed Salah tan ilaa markii uu ku soo laabtay England isaga oo aan wax gool ah ka dhalin.

Mohamed Salah ayaa goolal ka dhaliyay goolka Chelsea laakiin dhamaan goolasha uu ka dhaliyay ayaa ka yimid garoonka Anfield.

Sidaas darted Salah ayaa isha ku haya in uu kulanka manta soo afjaro rikoodhkaas soona taabto shabaqa Blues garoonka Stamford Bridge.

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here