Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay Mudada Uu Alisson Garomada Ka Maqnaan Doono.

0
47

 

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgeen Klopp ayaa xaqiijiyay mudada uu Goolhaye Alisson garoomada ka maqnaan doono kadib dhaawacii uu seegay kulankii Aston Villa ee Premier League.

Alisson ayaa dhaawac garab ah ku seegay kulankii ay Liverpool guuldarada ceebta ah ka soo gaadhay Aston Villa kulanka dhacay Villa Park kana tirsanaa premier League.

Kadib markii ay dhamaatay ciyaartii Aston Villa ee ay guuldaradu soo gaadhay Liverpool ayaa Klopp wax laga waydiiyay in uu Alisson diyaar u noqon doono kulanka Everton.

“Alisson wax fursad uma haysto in uu ciyaaro kulanka Everton kadib fasaxa xulalka”ayuu Klopp yidhi markii wax laga waydiiyay fursadaha Klopp ee kulanka Everton.

“4 todobaad ayaa suurtagal ah in uu garoomada ka maqnaado laakiin waxa ay u badantahay ilaa 6 todobaad in uu garoomada ka maqnaado”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here