Jurgen Klopp Oo Sheegay 5-ta Kooxood Ee Liverpool Kula Tartami Doonta Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan.

0
104

 

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa magacaabay 5-ta kooxood ee uu u arko in ay Liverpool kula tartami doonaan horyaalka premier League.

Liverpool ayaa si fiican ku bilaabatay difaacashada horyaalka premier League iyaga oo laba guul gaadhay labadii kulan ee ay ciyaareen ilaa haatan.

Waxa si weyn loo saadaalinayaa in ay kooxda Man City tahay kooxda ugu cad-cad ee Liverpool kula tartami doonta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Laakiin Klopp ayaan arintaas ku raacsanayn isaga oo sheegay in ay jiraan 5 koox oo la tartami doona Liverpool ku guulaysiga horyaalka premier League.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Aniga ahaan waxa jirta 5 koox oo u tartami doona horyaalka kuwaas oo kala ah, Chelsea Man United, Arsenal, Tottenham iyo Man City”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here