Jurgen Klopp Oo Saraxay Sababta Ay Adagtahay In Laga Hor Tago kooxda Mikel Arteta Ee Arsenal.

0
81

 

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa qirtay qaab dhismeedka daafaca Arsenal iyo halista weerarka rogaal celika ah tahay waxa kooxda Mikel Arteta ka dhigaya in ay adagtahay in laga hor tago.

Kooxda Liverpool ayaa la ciyaari doonta kooxda Arsenal kulan ka tirsan premier League iyada oo labada kooxoodba kulanka soo galayaan iyaga oo guulo gaadhay 2-dii kulan ee ay ciyaareen.

Markii ugu dambaysay ee ay labada kooxood kulmeen ayaa ahayd kulankii Community Sheild-ka bishii August markaas oo ay Arsenal rikoodhayaal ku badisay.

Tababare Klopp ayaana sheegay in nidaamka daafaca Arsenal ay ka dhigaysao in ay adagtahay in laga hor tagto.

“Dhismaha daafaca, waxa ay u difaacdaan si fiican”ayuu Klopp yidhi.

“Dhamaan xiddiguhu way difaacanayaan”.

“Waxa ay ku difaacdaan 5-4-4 marka aad haysato xiddigo tayo leh arintaas way adkaanaysaa in ay kooxaha kale ku dhaafaan”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here