Jurgen Klopp Oo Kashifay Wakhtiga Uu Thiago Alcantara Taam U Noqon Doono In Uu Ciyaaro Kadib Markii Uu Seegay Kulanka Arsenal.

0
70

 

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday wakhtiga uu xiddiga Thiago Alcantara taam u noqon doono ciyaarista kulamada Liverpool.

Thiago oo 45 daqiiqo ciyaaray kulankii ay Liverpool guusha 2/0 ah ka gaadhay kooxda Chelsea ayaa hadana seegay kulankii Carabao Cup-ka ka hor inta uuna seegin kulanka Arsenal.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Spain ayaa si weyn loo filayay in uu ku bilowdo kulankiisii ugu horeeyay laakiin xiddiga ayaa seegay kulanka.

Ka hor inta uuna bilaaban kulanku ayaa tababare Jurgen Klopp wax laga waydiiyay wakhtiga uu Thiago taamka u noqon doono kulamada Liverpool.

“Kadib fasaxa xulalka waxa uu noqon doonaa mid taam ah shaki la’aan”ayuu ku jawaabay Klopp.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here