Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Kulanka Ay Kooxdiisu Ku Aaday Arsenal Kadib Markii Ay Dhaafeen Lincoln City.

0
68

 

Kooxda Liverpool ayaa xasuuqday kooxda Lincoln City iyaga oo 7/2 uga badiyay kulan ka tirsanaa wareega 32-ka tartanka Carabao Cup-ka.

Goolal ay dhaliyeen xidigaha Xherdan Shaqiri, Takumi Minamino (2), Curtis Jones (2), Marko Grujic iyo Divock Origi ayaa Reds ka caawiyay in ay iska xaadiriso wareega 16-ka tartanka.

Reds ayaa la ciyaari doonta kooxda Arsenal xilli kooxda Mikel Arteta soo booqan doonto Anfield kulan adag wareega 16-ka.

Liverpool iyo Arsenal ayaa Premier League ku kulmi doona Isniinta ka hor inta ayna kulmin Carabao Cup-ka Klopp ayaana ku farxay in ay kooxdiisu laba kulan garoonkeeda ku ciyaari doonto”.

“Waa mahad Ilaah waxaan leenahay labo kulan oo garoonkeena ah” ayuu kula qoslay Sky Sports ciyaarta ka dib.

“Waan ka xumahay, Mikel. Waa inaad timaadaa Liverpool laba jeer, ma ahan wax aad u xun”.

“Waxa uu noqon doonaa kulan adag, ma hubo kulankii koobka ahaa ee aan Arsenal la ciyaarnay xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa uu ahaa kulan adag waxa la kala dhaliyay 5/5 kadib waxa lagu kala baxay rikodhayaal”.

“Waxa aan arkay shaxda Arsenal kulankii Leicester City waxa ay haystaan shax fiican, waxana ay doonayaan ku guulaysiga koobka”

“Anaguna waxa aan doonaynaa ku guulaysiga koobka laakiin kulanka Arsenal waxa uu noqon doonaa mid adag”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here