Jurgen Klopp Oo Canaantay Xiddigaha Liverpool Ee Kaydka Fadhiyay & Sababta Oo La Ogaaday.

0
56

Jurgen Klopp ayaa si carro leh ugu jawaabay ciyaartoydiisa Liverpool ee Kaydka kadib markii ay u dabaal dageen sacabkana u tumeen kadib markii kaadhka cas loo taagay xiddiga chelsea ee Andreas Christensen.

Andreas Christensen ayaa kaadh cas loo taagay daqiiqado yar ka hor inta ayna dhamaan qaybtii hore ee ciyaarta kadib markii uu khalad ku galay Sadio Mane.

Goolhaye Paul Tierney ayaa markii hore kaadhka digniinta ah u taagay Andreas Christensen laakiin kadib markii uu dib u eegay VAR waxa uu u taagay kaadhka cas ee tooska ah.

Xilli uu Andreas Christensen ka sii baxayay garoonka xiddigaha kaydka Liverpool fadhiyay ayaa u dabaal dagay sacabkana u tumay casaanka loo taagay Andreas Christensen.

Laakiin Klopp ayaa si cadho leh ugu jeestay xiddigaha kooxdiisa kaydka fadhiyay isaga oo ku yidhi”Miyaad Waalantihiin, ma ahan in aan sidaas samayno”.

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here