John Stones Oo Go’aamiyay Meesha Uu Ka Ciyaari Doono Xilli Ciyaareedka Cusub.

0
43

Daafaca kooxda Man City ee John Stones ayaa la sheegayaa in uu sii joogi doono kooxda Man City waliba u dagaalamo booskiisa kooxda Pep Guardiola xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga reer England ayaa ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda Man City xilli ciyaareedkii hore isaga oo kaliya ku bilowday 12 kulan oo premier League.

Waxa intaas sii dheer in ay Man City xagaagan la soo saxiixatay Nathan Ake sidoo kale lala xidhiidhinayo daafaca Napoli ee Kalidou Koulibaly & daafaca Atletico Madrid ee Jose Gimenez.

Si kasta ha ahaatee wargayska Telegraph ayaa sheegaya in uuna Stones ka niyad jabsanayn saxiixyada imanaya kooxda maadama uu 26 jirku diyaar u yahay in uu u dagaalamo booskiisa kooxda Man City.

Kooxaha Arsenal iyo Chelsea ayaa horay xiiso ugu muujiyay daafaca xiddiga reer England laakiin labada kooxood ayaa haatan isaga hadhay baacsiga xiddiga kadib markii ay meelo kale ka keensandeen daafacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here