Jamie Redknapp Oo Iska Indha Tiray Thomas Partey & Willian Markii La Waydiiyay In Uu Doorto Shaxiixa Ugu Fiican Arsenal.

0
46

Jamie Redknapp ayaa iska indha tiray xiddigaha Thomas Partey & Willian isaga oo xiddig kale u doortay saxiixa ugu fiican Arsenal suuqii xagaaga.

Kadib markii uu xidhmay suuqa kala iibsiga xagaagu Gunners ayaa samaysay saxiixyo fiican intii uu furnaa suuqu.

Inkasta oo ay heli waayeen saxiixyada xiddigaha Houssem Aouar & Philippe Coutinho hadana Mikel Arteta ayaa helay bartilmaameedyadiisii ugu horeeyay ee kala ahaa xiddig garabka ah, xiddiga daafaca dhexe ah iyo xiddig khadka dhexe.

Willian ayaa Gunners ugu soo biiray si xor ah halka Partey Kooxda yimid maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga Gabriel Magalhaes Ayaana kooxda kaga soo biiray Lille bilowgii xagaaga.

Si kasta ha ahaatee Redknapp ayaa rumaysan in saxiixa ugu fiican ee Arsenal in uu ahaa midkii ay samaysay bishii December sanadkii hore.

Xiddigii hore ee kooxaha Liverpool iyo Tottetnham ayaa Tababare Mikel Arteta u magacaabay saxiixii ugu fiicnaa ee Arsenal.

“Saxiixooda ugu fiican waxa uu ahaa tababaraha”ayuu yidhi.

“Waxa Arsenal joogay xiddigo aan aaminsanaa in ayna ahayn kuwo fiican kaliya ma ahan Arsenal laakiin xitaa premier League”.

“Laakiin waxa uu xiddigahaas ka dhigay kuwo fiican, waxa ay u ciyaarayaan si fiican haatan, waxa ay heleen nidaam ku fiican qaab ciyaareedkooda”.

“Run ahaantii way iga yaabisay sidii uu Mikel Arteta uga dhigay xiddigo fiican waliba u xoojiyay boosaskii ay kooxdu ku dhibaatoonaysay sanadihii ugu dambeeyay isaga oo aan wax saxiix ah keenin”.

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here