Jamie Carragher Oo Su’aal Ka Keenay Saxiixa Kai Havertz Kadib Qaab Ciyaareed Xun Oo Kale Oo Uu So Bandhigay Kulankii Liverpool.

0
50

 

Khabiirka Sky Sport iyo halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa su’aal galiyay in Kai Havertz uu saxiix fiican u yahay kooxda Chelsea.

Havertz ayaa la badalay Qaybtii Nasashadad kadib markii uu ku dhibaatooday kulankii ay Chelsea guuldarada kala kulantay Liverpool Axadii.

Xiddiga ayaa laga saaray ciyaarta qaybtii nasashada kadib markii kaadhka cas loo taagay xiddiga Andreas Christensen kadib markii uu dhibaatooday qaybtii hore.

Xiddiga ayaa Chelsea kaga soo biiray Leverkusen xagaagan isaga oo ugu yimid lacag dhan 100 milyan oo euro.

Xiddiga Havertz ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Bundesliga xilli ciyaareedkii hore isaga oo goolal badan u dhaliyay kooxdiisii hore isaga oo uga soo ciyaaray weerarka tooska ah ee beenta ah halka uu garabka uga ciyaara chelsea haatan.

Carragher ayaana su’aal ka keenay halka uu Havertz kaga soo baxayo shaxda Lampard ee haatan.

“Marka aan eego shaxda waxa aan ka fikirayaa halkee ayuu Havertz ka ciyaarayaa? halkee ayuu ka galayaa shaxda 4-3-3?”.

“Waxa uu ka soo ciyaari jiray No.10 ama weeraryahanka beenta ah laakiin Chelsea haatan ugama ciyaaro, halkee ayuu ka ciyaaray kulankii Liverpool, uma malaynayo in uu ku soo baxayo shaxda chelsea”.

 

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here