Jamie Carragher Oo Sheegay Sababta Magacyada Waaweyn Khadka Dhexe Ee Man United Dhibaato Ugu Yihiin Koxxda

0
54

 

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa aaminsan in qadka dhexe ee kooxda Manchester United ee ay ka buuxaaan xiddigaha heerka caalami ah tahay mid aad u fudud in laga faa’iideysto.

United ayaa xagaagan ku soo dartay xiddiga khadka dhexe ee Donny van de Beek xiddigihii khadka dhexe ee horay u sii joogay ee ay ka mid yihiin Paul Pogba iyo Bruno Fernandes.

Laakiin kadib markii ay ciyaareen kulankoodii ugu horeeyay ee horyaalka Premier League waxa la tusay xaqiiqada iyaga oo guuldaro 3/1 ah kala kulmay kooxda Crystal palace.

Inkasta oo uu Halyeeyga Liverpool ee Carragher Aaminsanyahay in aanay ahayn in laga wal-walo maadama ay United dhanka kale u rogi karto xaalka hadana waxa uu sheegay in ay United u baahantahay in ay isku dheeli tirnaan ku samayso khadkeeda dhexe.

Khabiirka Sky Sports ka hawl gala ee Jamie Carragher ayaa aaminsan in nidaamkooda haatan ee khadka dhexe u Nugulyahay weerarka rogaal celiska ah.

“Dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, United si fiican ayay u ciyaaraysay, dib ayeyna ugu laaban doonaan taas,” ayuu yiri Carragher.

“Laakiin kuma qanacsani kooxdan, oo haatan noqoneeysa koox kubad heysasho badan tan ilaa markii uu kooxda yimid Fernandes xilli uu Pogba sii jooggay kooxda”.

“Mar walba oo aad kubada haysato waa mar walba oo aad halis ugu jirto weerarka rogaal celiska ah”.

“Khadka dhexe ee aniga ahaan, sax maahan, xitaa magacyada waaweyn”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here