Jamie Carragher Oo Sharaxay Dhibaatada Ugu Weyn Ee Daafaca Liverpool.

0
54

 

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher Ayaa sharaxay dhibaatada Go’aanka daafacyada Liverpool uga fogaanayaan Goolhayaha si ay Offside ugu qabtaan xiddigaha ka soo hor jeeda.

Kooxda Difaacanaysa horyaalka premier League ayaa guuldaro lama filaan ah oo 7/2 ah kala kulmay Aston Villa kulan ka dhacay Villa Park.

Ollie Watkins ayaa dhaliyay saddexley isaga oo ka faa’iidaystay fogaanta daafacyada Liverpool ka fogyihiin Goolhayayaha.

Jamie Carragher oo arintaas ka hadlaya ayaa sheegay sida ay ka fogaanta daafacyada Liverpool ee Goolhayaha diciifnimo ugu noqotay kooxda.

“Maya, Maya, Run ahaantii ma sharixi karo, waan qoslay, waan rumaysan kari waayay waxa aan arkay”ayuu Carragher u sheegay Sky Sport.

“Arintaas kuma arki karint kooxda Liverpool waxa ay ahayd naftiijo la yaab leh iyo qaab ciyaareed xun”.

“Liverpool si fiican kuma bilaaban xilli ciyaareedka waxa arin la yaab leh ah in uu xiddiga Aston Villa ee Ollie Watkins in uu ka faa’iidaystay kala fogaanta daafaca Liverpool iyo Goolhayaha”.

“Aniga ahaan inkasta oo ay Liverpool rikoodh daafac leedahay hadana ma jecli in ay ka fogaadaan Goolhayaha si ay Offside ugu qabtaan kooxaha, kuma raacsani arintaas”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here