Jamie Carragher Oo Magacaabay Xiddiga Saddex-aad Ee Ugu Fiican Adduunka Kana Dambeeya Lionel Messi & Cristiano Ronaldo

0
50

 

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa aaminsan in xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Kevin De Bruyne yahay xiddiga 3-aad ee ugu fiican adduunka.

Shantii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay, De Bruyne – oo ay City kaga soo biiray Wolfsburg xagaagii 2015 – ayaa udub dhexaad u ahaa guulaha kooxda.

Xiddiga reer Belgum ayaa ahaa xiddiga ugu muhiimsan kooxda isaga oo dhaliyay 50 gool isla markaasna caawiye ka noqday 90 kale 223 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Pep Guardiola.

Wax qabadkii De Bruyne intii lagu guda jiray kulankii Wolves ayaa ka caawiyay in uu rikoodho helo iyada oo ay falanqeeyayaashu ku tilmaameen xiddig heer caalami ah.

Daafacii hore ee Liverpool Jamie Carragher ayaa ku raacsan qiimeyntaas isaga oo sheegay in uu 29 jirka reer Belguim kaliya ka hooseeyo xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

“Waxa aan xusi karaa De Bruyne marka aan ka hadlayno xiddigaha ugu fiican adduunka haatan, waxa aan dhigi karaa kaalinta 2-aad xiddigaha ka dambeeya Messi iyo Ronaldo”ayuu Carragher u sheegay Sky Sport.

“Waxa aan dhigi lahaa halka ugu saraysa hadii aan dooranayo kooxdayda”.

De Bruyne ayaa ahaa xiddigii ugu fiicnaa kulankii ay kooxda Man City guusha ka gaadhay kooxda Wolves kulan ka tirsanaa premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here