Jadon Sancho Oo Xiddig Man United U Ciyaara Ku Tilmaamay Xiddigii Ugu Fiicnaa Ee Uu Ka Soo Garab Ciyaaray.

0
68

 

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho ayaa ka hadlay sida uu ula dhacsan yahay weeraryahanka kooxda Man United Marcus Rashford.

Sancho ayaa go’aankiisa ka dhiibtay shanta ciyaartoy ee ugu xirfada badan ee uu waligii la soo ciyaaray – waxaana liiska ugu sareeya Marcus Rashford.

Xiddiga Dortmund ayaa doortay inuu magacaabo weeraryahanka United iyo saaxiibkiisa England xilli Red Devils xooga saarayso in ay la soo wareegto ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Isagoo la hadlaya kanaalka Chunkz and Yung Filly YouTube ayaa Sancho la weydiiyay, ‘Waa kuma ciyaaryahanka ugu xirfada badan ee aad ka soo garab ciyaartay?.

“Waa in aan doorto Neymar waa xiddig ay adagtahay in laga hor tago ka hor inta uuna ogaan in la waydiiyay xiddigaha uu ka soo garab ciyaaray kadib waxa uu doortay xiddiga ay isku xulka yihiin.

“Waxa aan ka soo garab ciyaaray Rashford,” ayuu raaciyay.

“Markii aan joogay City Kevin de Bruyne iyo David Silva, waxa aan dooranayaa David Silva”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here