Jack Grealish Oo Qaaday Talaabo Lama Filaan Ah Ku Ah Mustaqbalkiisa, Maxaa Soo Kordhay?

0
66

Jack Grealish ayaa soo gabagabeeyay muddo bilooyin ah oo lala xiriirinayay kooxda Manchester United isagoo qandaraas waqti dheer ah saxiixay islamarkaana sii joogaya kooxda Aston Villa.

24 jirkaan ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah oo uu isbuucii ku qaadanayo 140 kun ginni isagoo soo afjaray wararkii xagaagan oo dhan la xiriirinayay Man United.

Jack Grealish signs new five-year Aston Villa contract | Football News |  Sky Sports

Grealish ayaa hogaamiye ka ahaa Aston Villa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay iyadoo kooxda ay badbaaday maalintii ugu danbeysay ee xilli ciyaareedka ka dib barbaro 1-1 ay la galeen West Ham iyadoo kabtankooda uu dhaliyay goolkii ku sii hayay Premier League.

Dhanka kale, Aston Villa ayaa u muuqata mid dooneysa inay maalgashi isku sameyso xagaagan iyadoo Grealish laga iibiyay aragtida ah in milkiilayaasha kooxda ay doonayaan inay hurdada ka toosiyaan kooxdaan magaca weyn ku leh Ingariiska.

“Waan ku faraxsanahay inaan mustaqbalkeyga u hibeeyay Aston Villa. Waa kooxdeyda, waa gurigeyga, waan ku faraxsanahay halkaan” ayuu yiri xiddiga Ingariiska.

“Milkiilayaasha waxay ii cadeeyeen sida uu hamogooda yahay iyo sida ay u doonayaan inay u dhisaan Aston Villa. Waqtiyo farxad leh ayaa inaga horeeya, waana ku faraxsanahay inaan qeyb ka ahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here