Inter Milan Oo Ugu Dambayn Ka Hadashay Wararka La Xidhiidhinaya N’Golo Kante.

0
64

 

Agaasimaha isboortiga Piero Ausilio ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in Inter Milan ay Doonayso saxiixa Xiddiga khadka dhexe ee Chelsea N’Golo Kante.

Warar badan ayaa sheegaya in tababaraha kooxda Inter Milan ee Antonio Conte uu doonayo inuu la midoobo xiddig ay ka soo wada shaqeeyeen Stamford Bridge.

Ka dib afar sano oo uu joogay West London, Kante ayaa la sheegay inuu u furan yahay inuu u wareego San Siro ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga xagaaga.

Si kastaba ha ahaatee, Ausillo ayaa sheegay in ayna kooxda chelsea suuqa dhigin xiddiga reer France inkasta oo ay u baahantahay in ay dhinto xiddigaha kooxda.

Ausillo ayaa habeenkii Sabtida u sheegay suxufiyiinta: “Kante suuqa ma yaalo, ugu horayn waa xiddig chelsea ah sidoo kale wax wadahadalo ah kulama jirno sababta oo ah wxa aan haatanba haysanaa 8 xiddig oo khadka dhexe ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here