Inter Milan Oo Ka Hadashay Wadahadalada Barcelona Ee Lautaro Martinez

0
7

Madaxweyne ku xigeenka Inter Milan Javier Zanetti ayaa Beeniyay wararka sheegaya in ay Barcelona Wadahadalo kula jirto xiddiga Lautaro Martinez.

23 jirkaan ayaa si joogta ah loola xiriirinayaa kooxda Barcelona xagaagan inkasta oo ay wararka xididga la xidhiidhinaya Barcelona joogsadeen kadib markii uu xanuunka Korona dilaacay.

si kasta ha ahaatee warar dhawaan soo baxay warar sheegaya in ay Barcelona isku diyaarinayso in ay kor u qaado dadaalka ay ku doonayso xiddiga si ay ugu badalaan Luis Suarez oo isaga tagaya kooxda.

Laakiin Halyeeyga kooxda Zenetti ayaa beeniyay wararkaas isaga oo yidhi”Arintiisa waa xiddig da’yar ah oo leh tayo fiican waana iska caadi in ay kooxuhu raadiyaan”.

“Laakiin maalin walba waan arkaa waana iska caadi waxana uu doonayaa in uu sii joogo Inter, mana jirto wax wadahadalo ah oo u dhexeeya Inter iyo Barcelona kuna aadan Lautaro”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here