Ian Wright Oo Sheegay In Uu Jeclaa Xiddig Man United U Ciyaara In Uu Ku Biiro Arsenal.

0
102

Halyeeyga Arsenal Ian Wright ayaa su’aal ka keenay go’aankii Manchester United ay kula soo saxiixatay Donny van de Beek isaga oo sheegay in uu xiddiga reer Holland ku soo bixi lahaa Kooxda Arsenal.

United ayaa soo qaadatay suuq adag xagaagan iyaga oo ku guulaystay in ay la soo saxiixdaan xiddigihii bartilmaameedka 1-aad u ahaa oo uu ugu horeeyo xiddiga Borussia Dortmund ee Jadon Sancho iyaga oo ugu dmabayn 40 milyan kula soo wareegay xiddigii hore ee Ajax ee Van de Beek.

Saxiixa Van de Beek ayaa ka farxiyay taageerayaasha United laakiin marka loo eego in uu xiddigu ka ciyaaro boosaska Paul Pogba iyo Bruno Fernandes waxa su’aal laga sababta ay United ula soo saxiixatay xiddig.

Wright ayaa sheegay in United lahayd boosas kale oo ay tahay in ay ka wal-walto waliba xoojiso halkii ay u dhaqaaqday Van de Beek oo ayna u baahnayn wakhti xaadirkan.

“Donny Van de Beek waa xiddig aan rajaynayay in uu u ciyaaro Arsenal”ayuu yidhi xiddigii hore ee Arsenal.

“Marka aad eegto Paul Pogba iyo waxa uu qabanayo, Bruno Fernandes iyo waxa uu qabto waa waxa uu qabtao Donny Van de Beek”

“Dadku waxa ay aaminsanyihiin in ay wada arki doonaan Van de Beek, Paul Pogba iyo Fernanades oo hal shax ka wada ciyaaraya laakiin uma malaynayo in ay dhacayso”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here