Hudson-Odoi, Dembele, Sancho, Skriniar, Aouar, Torriera, Telles & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

0
48

 

Waxa si Rasmi ah Albaabada loogu furay suuqa kala iibsiga xagaaga kaas oo ay kooxuhu haatan samayn karaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaan.

Xagaagan oo noqon doona midka ugu dheer taariikhda suuqa kala iibsiga ayaa noqon doona sidoo kale mid aad uga duwan suuqyadii hore marka laga hadlo dhanka lacagaha.

Kooxaha ayaa haatanba la daalaa dhacaya dhaqaale xumo uu sabab u noqday xanuunka Korona sidaas darteed kooxaha ayaa si taxadar leh u gali doona suuqa xagaaga iyaga aan sidii hore suuqa lacag waali ah u galin doonin.

Sidoo kale suuqa xagaagan waxa aan ku arki doonaa dabeecado cusub sida isku badalashada xiddigaha iyo waliba in la badiyo heshiisyada amaahda ah.

Hadaba kooxda.com oo caan ku ah in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararka suuqa ugu dambeeyay iyo waliba kuwa ugu xasaasisan halkan ku soo bandhigi doontaa wararki ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Bayern Munich ayaa wadahadalo kula jirta kooxda chelsea oo ay heshiis amaah ah kaga doonayaan saxiixa xiddiga 19 jirka ah ee Callum Hudson-Odoi (Sport Bild).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa diyaar u ah in uu ku biiro kooxda Man United xagaagan laakiin Barcelona ayaa diidi doonta in ay iibiso xiddiga xagaagan (L’Equipe).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa la xidhiidhay xiddiga Ousmane Dembele si uu ugu qanciyo in uu ku biiro Old Trafford (Mundo Deportivo).

Tababaraha Man United ee Ole Gunner Solskjaer ayaa ogolaaday in uu iska iibiyo xiddiga Daniel James si uu lacagtiisa ugu dhaqaaqo Saxiixa Jadon Sancho (ESPN).

Kooxda Leeds United ayaa diyaar u ah in ay 25 milyan ka gudbiso saxiixa xiddiga Daniel James (Football Insider).

Chelsea ayaa Inter Milan u sheegtay in ay kaliya si toos ah u iibinayaan xiddiga Marcos Alonso xagaagan halka ay Inter Milan doonayso in ay amaah kula wareegto xiddiga (Goal).

Xiddiga kooxda Man United ee Diogo Dalot ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Ac Milan xagaagan (Sun).

Xddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Lucas Torriera ayaa tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Atletico Madrid (AS).

kooxda Tottenham ayaa mar kale isku dayi doonta in ay hesho saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Inter Milan ee Milan Skriniar (Standard).

Kooxda Arsenal ayaa ogolaatay in ay heshiis amaah ah xiddiga William Saliba ugu dirto kooxda Rennes (Guardian).

Xiddiga Jadon Sancho ayaa Man United u sheegay in uuna kooxda Borussia Dortmund ku qasbi doonin in ay iibiso xagaagan (Mail).

Kooxda Man United ayaa loo sheegay in ay Maanta oo sabti ah dhamaystirto saxiixa Alex Telles hadii kale koox kale laga iibin doono (Telegraph).

Kooxda Man United ayaa wadahadalo la furtay kooxda Watford kuwaas oo ay ka doonayaan saxiixa xiddiga Ismaila Sarr laakiin kaliya amaah ayay ku doonayaan xiddiga (Express).

Kooxda Real Madrid ayaa ku biirtay baacsiga loogu jiro xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lyon ee Houssem Aouar (Record).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here