Houssem Aouar Oo Ugu Dambayn Afka Furtay Kana Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Arsenal.

0
112

 

Houssem Aouar ayaa diiday inuu ka hadlo mustaqbalkiisa kooxda Lyon iyadoo Arsenal ay diyaarineyso dalab cusub oo ay ka gudbiso xiddiga khadka dhexe.

Lyon ayaa haatanba diiday dalab 35 milyan ah oo ay Arsenal ka gudbisay xiddiga 22 jirka ah xilli ay kooxda reer France dalbanayso lacag ku dhaw 55 milyan oo euro.

Aouar ayaa lagu soo waramayaa in uu yahay bartilmaameedka 1-aad ee Mikel Arteta iyada oo uu tababaraha Arsenal doonayo in uu xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa ka hor inta uuna suuqu xidhmin.

Aouar ayaa la rumaysanyahay in uu doonayo in uu u dhaqaaqo Premier League xilli ay jiraan warar sheegaya in ay Gunners haataba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa Axadii la waydiiyay in wararka suuqa kala iibsiga ee la xidhiidhinaya Arsenal khal-khalinayaan qalbigiisa waxana uu ku jawaabay” Maya, Maya gabi ahaan, ima khal-khalinayaan”.

“Anigu kaliya waxa aan doonayaa in aan horumar ka sameeyo garoonka dhexdiisa, ma ahan in aan isku qariyo arintaas”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here