Houssem Aouar Oo Ugu Dambayn Afka Furtay Kana Hadlay Sababtii Uu Isaga Diiday Arsenal.

0
60

 

Houssem Aouar ayaa sheegay inuu iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa Arsenal sababtoo ah wuxuu doonayaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro soo kabashada Lyon.

Aouar ayaa ahaa bartilmaameedka 1-aad ee Mikel Arteta ee suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo Arsenal dhawr dalab ka gudisay xiddiga 22 jirka ah laakiin laga soo diiday.

Lyon ayaa dalbatay lacag dhan 55 milyan oo euro laakiin Gunners ayaa diiday in ay bixiso lacagtaas.

Haatan Arsenal ayaa u muuqata mid seegtay saxiixa xiddiga kadib markii uu Aouar xaqiijiyay in uu sii joogi doono kooxda kadib bar-barihii ay Lyon la gashay Marseille Axadii.

“Waxa aan dareemay in aan wax ku soo kordhin karo kooxda Lyon”ayuu Aouar u sheegay Telefoot.

“Waxa aan doonayay in aan sii joogo kooxdii i soo korisay”.

“Waa in aan madaxeena kor u qaadno waliba aan shaqo fiican qabano”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here