Houssem Aouar Oo Ka Hadlay Seegistii Uu Seegayy Ku Biirista Arsenal.

0
63

 

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon ee Houssem Aouar ayaa sheegay in uuna ka niyad jabin in uu seegay ku biirista kooxda Arsenal intii lagu jiray suuqii xagaaga.

Gunners ayaa dhawr dalab ka gudbisay xiddiga 22 jirka ah Laakiin Kooxda Lyon ayaa diiday dalabyadaas iyaga oo doonayay dalab lacageed oo dhan 55 milyan oo euro.

Houssem Aouar ayaa ahaa bartilmaameedka 1-aad ee Mikel Arteta laakiin kooxda ayaa ku fashilantay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga.

“Dabcan, waxa aan naftayda waydiiyay dhamaan dhammaan su’aalaha lagama maarmaanka ah” ayuu yiri Aouar.

“Waxa aan ku jirnaa bilowgii xilli ciyaareedka waxana aan ka soo kabsanay dhibcihii aan luminay”.

Markii la weydiiyay hadii uu ka xun yahay in uuna ku biirin Arsenal ayuu Aouar ku jawaabay”Maya, kama xumi waana ku faraxsanahay”.

“Waxaan joogaa guriga, naadiga aan jeclahay, asxaabteyda iyo qoyskeyga”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here