Houssem Aouar Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Kadib Markii Uu La Kulmay Maamulka Kooxda Lyon.

0
74

 

Xiddiga khadka dhexe ee Houssem Aouar ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa kadib markii lala xidhiidhiyay koox badan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga Houssem Aouar ayaa bartilmaameed u ahaa kooxaha Arsenal, Man City, Juventus iyo PSG kuwaas oo doonayay saxiixiisa.

Laakiin kooxda Arsenal ayaa ahayd kooxda ugu cad-cadayd saxiixa xiddiga Houssem Aouar iyaga oo dhawr dalab ka gudbiyay saxiixiisa laakiin Lyon ayaa diiday dalabyadaas.

Wargayska RMC ayaa sheegaya in uu Houssem Aouar la kulmay masuuliyiinta kooxda Lyon si uu go’aan uga gaadho mustaqbalkiisa ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in xiddiga iyo waliba maamulka kooxdu isku af garteen in uu xiddigu iska sii joogo kooxda Lyon xilli ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe ee Houssem Aouar ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu sii joogo kooxda Lyon xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here