Houssem Aouar Oo Go’aamiyay Mawqifkiisa Ku Aadan Ku Biirista Arsenal.

0
77

 

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lyon ee Houssem Aouar ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aansaday in uu ku biiro kooxda Arsenal inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga Houssem Aouar ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Lyon iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo reer yurub ah.

Wargayska TELEFOOT Ayaa sheegaya in uu xiddiga Houssem Aouar go’aansaday in uu ku biiro kooxda Arsenal inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga Houssem Aouar ayaa la sheegayaa in uu haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Arsenal diyaarna u yahay in uu ku biiro kooxda xagaagan.

Xiddiga 22 jirka ah ee Aouar ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore isaga oo kooxda la gaadhay Semi-final-ka champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here