Horudhac: Wolverhampton Wanderers vs Manchester City… (Man city oo doonaysa inay caawa guul ku furato horyaalka Premier League)

0
47

Manchester City ayaa noqon doonta kooxdii ugu dambeysay ee ciyaarta kulankeeda ugu horreeya ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2020-21, marka ay booqanayaan Wolverhampton Wanderers caawa oo Isniin ah.

Kooxda Pep Guardiola ayaa rajaynayasa inay u dagaalanto hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, laakiin waxa ay wajahayaan tijaabo adag iyagoo ka hortagaya koox minin iyo marti u garaacday kal ciyaareedkii hore.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Isniin 21 Sebt 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:15 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Molineux Stadium

Garsooraha: Andre Marriner (England)

Wararka Kooxaha:-

Wolves ayaan heli doonin adeegga weeraryahankooda Diogo Jota, kaasoo ku biiray kooxda Liverpool, halka Jonny uu sii wadan doono maqnaanshihiiisa muddada dheer ee dhaawaca jilibka ah.

Xiddiga Kooxda Manchester City ee Riyad Mahrez ayaa la heli karaa oo diyaar ah kaddib markii laga helay caabuqa Korona Fayras, laakiin waa uu ka soo kabsaday waana diyaar sida warbixinnadu ay tilmaamayaan.

Yeelkeede, Aymeric Laporte ayaan weli diyaar u aheyn inuu ciyaaro, isagoo kaligiis go’doon ku jira, halka Sergio Aguero uu weli dhaawac muddo dheer ah ku maqan yahay.

Nathan Ake iyo Ferran Torres ayaa diyaar u ah inay ciyaaraan kulankooda ugu horreeya ee Kooxda Man City.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

Fool-Ka-Fool

>- Wolves ayaa ka mid ahayd labo kooxood oo ay wehliso Manchester United kuwaasoo horyaalka Premier League labo jeer ku garaacay Manchester City xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

>- Ma aysan guuleysan saddex kulan oo xiriir ah oo ay ka gaareen Man City tan iyo bishii October 1961.

Wolverhampton Wanderers

Guul ayaa Wolves ka dhigeysa inay tahay kooxdii afaraad oo guuleysata 2,000 oo kulan oo ka tirsan afarta horyaal ee ugu sarreysa Ingiriiska, iyagoo raacaya Manchester United, Liverpool iyo Arsenal.

Wolves ayaa guuldarro la’aan ah kulammada ugu horreeya ee ay garoonkeeda ku ciyaarto horyaalka mid kasta oo ka mid ah tobankii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.

Waxa uu ujeedkoodu yahay inay guuleystaan saddex kulan oo isku xigta oo garoonkooda lagu ciyaaro markii ugu horreysay tan iyo bishii November sanadkii 1980-kii.

Wolves ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay lix ka mid ah todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay horyaalka Premier League.

Manchester City

Manchester City ayaa barbareyn karta rikoorkii Aston Villa ee guuleysatay 10 kulan oo xiriir ah kulammada furitaanka horyaalka ee xilli ciyaareedka, intii u dhaxaysay 1891 iyo 1900.

Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, Man City ayaa guuldarro la kulantay 12-keedii kulan ee ay Premier League ku wajahday kooxaha kale kuwaasoo ku dhammaystay todobada sare ee kala horreynta horyaalka.

Waxa ay guuleysteen shantoodii kulan ee ugu dambeeyey Premier League xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay dhaliyeen cel-celis ahaa goolal dhan 21-1.

Pep Guardiola ayaa halis ugu jira inuu lumiyo saddex kulan oo xiriir ah horyaalka oo uu wajahayo hal koox markii ugu horreysay xirfaddiisa tababarennimo.

Man City ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay shank a mid ah todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay dheeshay Premier League.

Man City ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool shanteedii kulan ee ugu dambeysay horyaalka Premier League.

SHaxda Macquulka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here