Horudhac: Juventus vs Napoli… (Kooxda The Old Lady oo doonaysa inay wadada guusha dib ugu soo laabato)

0
53

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa eegeysa inay wadada guusha ee horyaalka Serie A dib ugu soo laabato marka ay soo dhoweynayaan Napoli kulan caawa ka dhacaya garoonka Allianz Stadium.

The Old Lady kooxda lagu naynaaso ayaa uruursatay afar dhibcood oo ay ka heshay labadeedii kulan ee ugu horreeyey horyaalka Talyaaniga kal ciyaareedkan 2020-21.

Yeelkeede, kooxda Napoli ayaa uruursatay lix dhibcood oo ahaa lixdii dhibcood ee ay heli kartay labadeedii kulan ee ugu horreeyey horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan, waxaana ay guulo ka gaartay kooxaha Parma iyo Genoa.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Italy – Serie A

Taariikhda: Axad 04 Okt 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 09:45 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Allianz Stadium

Garsooraha: Daniele Doveri (Italy)

Wararka Kooxaha:-

Rodrigo Bentancur iyo Arthur ayaa ku midoobi doona oo ku soo bilaaban doona khadka dhexe kulankoodii ugu horreeyey horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan, iyadoo Adrien Rabiot uu ganaaxan yahay.

Adrien Rabiot ayaa ganaax uga maqnaanaya Juventus kulankan, kaddib markii uu xiddigani kaarka cas qaatay kulankoodii ugu dambeeyey.

Piotr Zielinski oo laga helay Korona Fayras ayaa ka maqnaan doona kooxda martida ah ee Napoli.

Lorenzo Insigne ayaa sidoo kale seegi doona kulankan kaddib markii uu ku dhaawacmay kulankii ay ka horjeedeen Genoa todobaadkii la soo dhaafay.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Juventus ayaa guuleysatay 17 ka mid ah 20-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay kulammada horyaalka Serie A.

>- Kooxda Juve ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool 13 ka mid ah 14-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka Serie A ku ciyaartay garoonkeeda.

>- Juventus ayaa guuleysatay lix ka mid ah todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay gurigeeda ku wajahday naadiga Napoli tartammada oo dhan.

>- Kooxda Napoli ayaa guuleysatay saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Serie A.

>- Napoli ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Serie A.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here