Hordhac:West Brom Vs Chelsea: Blues Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Baggies, Laakiin Dhibaato Ayaa Ka Haysata Kulamada Martida

0
53

 

Kooxda Chelsea ayaa marti u noqon doonta kooxda West Brom kulan ka dhici doonta garoonka The Hawthorns kana tirsan todobaadkii 3-aad ee horyaalka premier League.

West Bromwich Albion ayaa dooneysa inay gaadho guusheedii ugu horreysay ee Premier League toddobo kulan oo ay ka horyimaadeen Chelsea, markii ugu dambeysay oo ay garaaceen Blues waxa ay ahayd bishii May 2015.

Frank Lampard ayaa 100% leh rikoodh fiican oo kulamada uu ka hor tagay West Brom intii uu tababaraha ahaa isaga oo ka badiyay labadii kulan ee uu ka hor tagay intii uu tababaraha u ahaa kooxda Derby County.

Kulanka: West Brom Vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30

Garoonka: The Hawthorns

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

18-ka Guuldaro ee West Brom ka soo gaadhay Chelsea Premier League ayaa ah Guulaha ugu badan ee ay ku leedahay koox kale.

Xiddiga Matheus Pereira oo diwaan gashaday hal gool iyo hal caawin xilli ciyaareedkii 2019/2020 ayaa ku lug lahaa 26 gool tan ilaa bishii August 2019.

Chelsea ayaa badisay afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay West Brom iyadoo aan wax gool ah laga dhalin.

Blues ayaa kaliya hal kulan shabaqa ilaashatay 20kii kulan ee Premier League ee ay marti ahaayeen. Kulankoodii ugu dambeeyay ee shabaqa ilaashadeen iyaga oo ku ciyaaraya meel ka baxsan London ayaa ahayd kulan dhacay bishii May kulan ay bar-baro 0/0 ah la gashay Leicester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here