Hordhac:Fulham Vs Arsenal: Gunners Kulanka Furitaanka Iyo Shaxada Macquulka Labada Dhinac Horyaalka Premier League.

0
37

 

Kulanka Fulham iyo Arsenal ayaa lagu furi doonaa xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League 2020/2021 kulan ka dhici doona garoonka Craven Cottage.

Kooxda Fulham ayaa soo laabaneysa Premier League ka dib hal sano oo ay maqneyd, iyadoo marti galin doonta kooxda Arsenal kulanka London Derby.

Arsenal ayaa isha ku heysa inay badiso kulankeeda furitaanka xilli ciyaareedkii labaad oo Xidhiidh ah waana rikoodh ay ugu dambaysay tan ilaa xilli ciyaareedkii 2009/2010.

Kulanka: Fulham Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 2:30 Duhurnimo

Garoonka: Craven Cottage.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Aleksandar Mitrovic ayaa dhaliyay 49 gool oo horyaalka ah tan ilaa markii uu fulham u saftay kulankiisii ugu horeeyay bishii February Isaga oo 11 ka mid ah dhaliyay premier League xilli ciyaareedkii 2018/2019 Waqtigaas kaliya Pierre-Emerick Aubameyang oo dhaliyay 54 gool, Mohamed Salah oo dhaliyay 54 iyo Jamie Vardy 50 gool ayaa ka goolal badan 4-ta heer ee England ugu saraysa.

Fulham ayaa raadineysa inay soo afjarto 10 kulan oo laga badiyay Premier League Kulamada London Derbies, waana wakhtigii ugu dheeraa ee ay koox raadiso guul taariikhda horyaalka.

Aubameyang ayaa ku lug lahaa 12 gool iyo 4 caawin 13-kii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ka hor yimid kooxaha u soo dalacay premier League waxana ka mid ah 3 gool iyo 2 caawin oo uu sameeyay kulankii Fulham ee xilli ciyaareedkii hore.

Arsenal ayaan laga badinin 24 kulan oo ay ciyaareen bishii September tartamada oo dhan. Waxay guuleysteen 19 ka mid ah.

Fulham v Arsenal: match preview | Premier League | The Guardian

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here