Hordhac:Chelsea Vs Liverpool: Reds Oo Isha Ku Haysa In Ay Ku Celiso Rikoodh Ay Blues Ku Dhigtay 8 Sano Ka Hor.

0
46

 

Kulanka ugu xiisaha badan premier League todobaadkan ayaa ah midka Stamford Bridge ku dhexmari doona kooxaha Chelsea iyo Liverpool kulan ka tirsan todobaadkii 2-aad ee premier League.

Chelsea ayaa rajeyneysa inay ka fogaato guuldaradii afaraad oo isku xigta ee Premier League oo ka soo gaarta Liverpool.

Reds ayaa xilli ciyaareedka ku bilaabatay guul 4-3 ah oo ay ka gaadhay Leeds United mana ilaashan shabaqeeda lixdii kulan ee ugu dambeeyay.

Kulanka: Chelsea Vs Liverpool

Tartanka: Premier Leageu

Wakhtiga: 6:30

Garoonka: Stamford Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaan laga badinin 13kii kulan ee ugu dambeysay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxda difaacaneysa horyaalka 7 Kulan way badisay 6 kulan bar-baro ayay gashay.

Blues ayaa laga badiyay mid kasta oo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay la ciyaareen Liverpool Markii ugu dambaysay ee ay 4 jeer guuldaro kala kulantay Reds ayaa ahayd intii u dhexaysay November 2010 iyo May 2012.

Roberto Firmino iyo Trent Alexander-Arnold labadoodaba waxay haystaan ​​fursad ay ku noqon karaan ciyaartoygii ugu horreeyay ee Liverpool ee gool dhaliya seddex kulan oo isku xigta Premier League oo ay la ciyaarayaan Chelsea.

Liverpool ayaa laga dhaliyay 15 gool sideedii kulan ee ay ciyaartay Premier League tan ilaa markii ay xaqiiqsatay ku guulaysiga horyaalka bishii June.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here