Hordhac:Arsenal Vs Sheffield United: Gunners Oo Doonaysa In Ay Ku Soo Laabtaan Wadada Guulaha.

0
42

Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Sheffield United kulan ka tirsan todobaadkii 4-aad kana dhici doona garoonka Emirates Stadium.

Arsenal ayaan guuldaro kala kulmin koox ku jirta kaalinta ugu horaysa maalinta ay la ciyaarayso tan ilaa markii ay guuldaro 1/0 ah kala kulmeen West Ham kulan ka dhacay Emirates Stadium bishii April 2007.

Sheffield United, oo kaalinta19 jirta, ayaa rajeyneysa inay soo afjarto lix kulan oo guul la’aan ah Premier League.

Kulanka: Arsenal Vs Sheffield United

Tartanka: Premier Leageu

Wakhtiga: 4:00

Garoonka: Emirates Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Alexandre Lacazette ayaa noqon kara ciyaartoygii ugu horeeyay ee Arsenal ah ee dhaliya gool 4-ta kulan ee ugu horeeya xilli ciyaareedka tan ilaa Olivier Giroud Kaas oo sidaas sameeyay xilli ciyaareedkii 2013/14.

Gunners ayaan laga badinin 40kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay garoonkooda kula ciyaaraan kooxaha ka bilaabanaya kaalinta ugu horaysa horyaalka.

Sheffield United ayaa kulankii 4-aad guuldaro la’aan kala bixi karta kulanka Arsenal markii ugu horaysay tan ilaa 1965.

Kooxda Sheffield United ayaan guuldaro kaal kulmin 9-kii kulan ee ay ku ciyaartay caasimada London.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here