Hordhac: Manchester United vs. Crystal Palace – Shaxda Kulanka 1aad Ee Man United, Taatikada Ole, Khatarta Palace & Wararkii U Dambeeyey Ee Labada Kooxood

0
52

Manchester United ayaa xili ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League ee 2020-21 uu ugu bilaabmi doonaa garoonkooda Old Trafford oo ay ku martigelinayaan kooxda adag ee Crystal Palace oo usbuucii hore guul ku bilaabatay tartanka, iyadoo 1-0 kaga soo adkaatay Southampton.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo laga sugayo inuu Man United la tartansiiyo Liverpool, Man City iyo Chelsea ayaa waxa uu kulanka koowaad ku furanayaa isagoo hal ciyaartoy kusoo kordhay safkiisii uu hore u haystay, kaas oo ah kubbad-sameeyaha reer Netherlands ee Donny van de Beek oo ah saxeexa kaliya ee ay xagaagan samaysay Red Devils.

Manchester United oo kulankii ugu dambeeyey ee tartan caadi ah ee ay ciyaarto uu ahaa semi-finalkii Europa League oo ay guul-darro kasoo gaadhay markii ay iska hor yimaaddeen Sevilla oo koobka ku guueysatay, ayaa waxay ciyaartoydeedu kasoo laabteen fasax bil ah iyo usbuuc ay ka dambeeyeen naadiyada kale ee Premier League oo ciyaaray min hal kulan

Red Devils oo kaalinta saddexaad ku dhamaysatay xili ciyaareedkii hore ee 2019-20, waxa qaybtii dambe ay ahayd koox xooggan oo isbeddel ku yimid khadkeeda dhexe iyo gool-dhalinteedaba, waxaana mahaddaas iska lahaa Bruno Fernandes oo markii uu kusoo biiray bishii January dhamaadkeeda, siiyey kooxda kalsooni iyo kubbadda oo uu u habeeyey.

14 ciyaarood oo xidhiidh ah oo Premier League ah, kana soo bilaabmay bishii January ayay United soo diiwaan-gashatay, waxaana xiddigihii rikoodhkaas ku suntanaa ay ahaayeen Bruno Fernandes, Marcus Rashford, Anthony Martial, Paul Pogba iyo Mason Greenwood oo amaan gaar ah ka mutaystay jamaahiirta waqtigaas.

Markii uu furmayay suuqa iibka ciyaartoyda, jamaahiirta United waxay filayeen in ciyaartooyo uu hormood u yahay Jadon Sancho ay kooxda iman doonaan, laakiin illaa hadda Donny van de Beek ayaa ah saxeexa kaliya ee ay samaysay, inkasta oo la sheegayo in difaac bidix ay kala soo wareegayaan Portugal oo haddaba heshiiskiisu dhamaad ku dhow yahay.

Red Devils ayaa mar qarka u saarnayd labada ciyaartoy ee Real Madrid ee Sergio Reguilon iyo Gareth Bale, waxaase kaga adkaatay Tottenham oo labadoodaba la wareegtay. Sidoo kale, Thiago Alcantara oo ay saxeexiisa kula tartameen Liverpool ayaa si fudud loogaga guuleystay.

Bishii ugu dambaysay waxay Manchester United u ahayd mid adag oo xataa iyada oo aanay ciyaarin haddana aan ka bixin bogagga hore ee warbaahinta, sababtoo ah, dhaqan-xumooyin lagu soo eedeeyey Harry Maguire iyo Greenwood ayaa  meel walba lagaga sheekaynayay.

Dhinaca kale, Crystal Palace ayaa guul kasoo gaadhay ciyaarteedii hore, waxaanay United u tegaysaa iyadoo haysata saddex dhibcood, isla markaana doonaysa inay sii dheeraysato oo ay lix dhibcood tagto haddii ay ka guuleysan karaan Man United.

Weeraryahanka reer Senegal ee Wilfied Zaha ayaa u dhaliyey Palace goolka madiga ah ee ay guusha kaga gaadheen Southampton, waxaana tababare Hodgson weerarkiisa sii xoojiyey Michy Batshuayi oo ay amaah kaga soo qaateen Chelsea.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Manchester United vs Crystal Palace

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 7:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Old Trafford

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Su’aasha ugu weyn ee Old Trafford taalla waxay tahay xaaladda Pogba oo kusoo laabashadiisa United uu dib u dhigay fayraska Korona oo laga helay, waxaana inkasta oo uu kasoo caafimaaday, haddana walaac laga qabaa taam ahaanshihiisa jidheed maadaama uu tababarkana muddo kaga jiray go’doon oo aanu ciyaartoyda soo dhex-gelin.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa ciyaarta ka hor waxa uu go’aan ka gaadhi doonaa doorka uu Pogba ku yeelan doono kulankan, laakiin waxa diyaar ah oo kusoo bilaaban doona safka hore saxeexa cusub ee Van de Beek oo ciyaar fiican soo bandhigay kulankii saaxiibtinimo ee Aston Villa ay la ciyaareen toddobaadkii hore.

Ciyaartoydii kale ee ciyaartaas saaxiibtinimo maqnaa waxa ka mid ahaa David de Gea oo uu booskiisa isku sii xoreeyey Dean Henderson, Pogba, Victor Lindelof, Fernandes, Martial iyo Aarson Wan-Bissaka oo doonaya in kooxdiisii hore uu waajaho maanta.

Dhinaca kale, Crystal Palce ayay haysataa dhibaato dhinaca difaaca ah, waxaana dhaawac kaga maqan Gary Cahill, Patrick van Aanholt, James Tomkins iyo Nathan Ferguson.

Mamadou Sakho oo tababarka kusoo laabtay badhtamihii usbuuca ayay ku adag tahay inuu kusoo bilowdo ciyaarta, waxaanay taasi ka dhigan tahay in Cheikhou Kouyate uu difaaca tegi doono oo ay iska garab ciyaari doonaan Scott Dann.

Christian Benteke iyo Connor Wickhham ayaa la sheegay in aanay ciyaartan diyaar u ahayn, waxase taam ah oo soo kabtay Jairo Riedewald oo tababare Hodgson ka sugaya inuu ciyaarta kusoo bilaabo.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw; Van de Beek, Pogba; James, Fernandes, Rashford; Martial

Crystal Palace: Guaita; Ward, Kouyate, Dann, Mitchell; Eze, McCarthy, McArthur, Zaha; Batshuayi, Ayew

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here