Hordhac: Brighton Vs Man United: Red Devils Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Xun Oo Ay Dhigtay 27 Sano Ka Hor.

0
52

Kooxda Man United ayaa marti u noqon doonta kooxda Brighton kulan ka dhici doona garoonka Amex Stadium kana tirsan todobaadkii 3-aad ee Premier League.

Brighton & Hove Albion ayaa raadineysa inay gaarto guushii afaraad shantii kulan ee ugu dambeysay Premier League ay garoonkeeda kula ciyaartay Manchester United.

Red Devils ayaa raadinaysa inay ka soo kabsadaan guuldaradii gurigooda ka soo gaadhay Crystal Palace isla markaana ay ka fogaadaan in ay guuldaro la kulmaan labada kulan ee ugu horeeya horyaalka markii ugu horaysay 1992/1993.

Kulanka: Brighton Vs Man United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 2:30

Garoonka: Amex Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Guul ay gaarto Brighton waxay noqoneysaa markii ugu horeysay oo ay guuleystaan ​​laba kulan oo xiriir ah Premier League tan iyo bishii Nofeembar 2019.

Pascal Gross ayaa dhaliyay seddex gool, oo ay ku jiraan Goolashii labadii kulan ee uu kooxdisa ku hogaamiyay guusha isaga oo hal caawin sameeyay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ka hor tagay Man United.

Man Utd ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay la ciyaareen Brighton kooxda ay guulo ka dheer intaas ku leeyihiin ayaa ah Leicester City oo ay 4 kulan oo xidhiidh ah ka badiyeen.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa badisay afartii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay marti ahaayeen iyaga oo dhaliyay 10 gool wax gool ahna aan laga dhalin, Man United ayaa sidoo kale ahayd kooxdii ugu dambaysay ee heerka sare ee badisay 5 kulan oo xidhiidh ah iyaga oo marti ah aan wax gool ah laga dhalin December 2011.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here