Hordhac: Arsenal vs. West Ham – Arteta Oo Guul Kale Raadinaya, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Wararkii U Dambeeyey

0
45

Arsenal ayaa raadin doonta in kulankii labaad oo xidhiidh ah ay guuleysato, isla markaana kaalinta koowaad kaga jirto horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan marka ay maanta garoonkeeda Emirates Stadium kusoo dhoweyso West Ham United.

Gunners ayaa toddobaadkii hore 3-0 kusoo karbaashay Fulham oo ay marti u ahayd, waxaanay saddexda dhibcood iyo shabaqa nadiifta ah siiyeen fursad ay hoggaanka horyaalka Premier League ku hayso, iyadoo dhinaca goolasha kaga horreysa kooxihii kale ee soo guuleystay.

West Ham United ayaa dhinaceeda toddobaad niyad-jab ah soo qaadatay, waxaana 2-0 kusoo garaacday Newcastle United, taas oo ka dhigan in aanay wax dhibco ah haysanin, sidoo kalena laba gool oo daalac ah lagu leeyahay.

Tababare Mikel Arteta ayay kooxdiisu ciyaar loo bogay soo bandhigtay kulankii koowaad, waxaana inkasta oo jamaahiirtu ay garoonka ka maqnaayeen, haddana ay farxadooda ku muujiyeen baraha bulshada, iyaga oo fishay in xili ciyaareedkani noqon doono mid uga duwan kuwii ka horreeyey ee qalbi jabka ay kusoo jireen.

Labada koob ee FA Cup iyo Community Shield ee ay Arsenal ku guuleysatay intii uu joogay Arteta, waxa usii raacday guusha weyn ee ay horyaalka ku furteen oo abuurtay niyad-samaan badan iyo filasho ah inay meel sare soo gaadhi doonaan.

Kulamada Arsenal la ciyaarto West Ham, waxay sannadihii ugu dambeeyey ahaayeen kuwo ay kusii xisaabtamaan saddexda dhibcood, 11kii kulan ee ugu dambeeyeyna waxa 10 ka mid ah ay guushu raacday Arsenal.

Dhinaca kale, David Moyes oo durba dareemaya xumadda iyo in shaqadiisu halis ku jirto ayaa guul uu ku nafiso ka doonaya Emirates, kaddib labadii gool ee Callum Wilson iyo Jeff Hendrick ay usbuucii hore qalbiga kaga jabiyeen naadigiisa.

West Ham oo guul 3-0 ah kasoo gaadhay ciyaartii badhtamaha usbuuca ee  Charlton Athletic ee wareegga labaad ee tartanka EFL Cup, waxay u baahan tahay inay horyaalka horumar ka samayso oo ay kasoo dallacdo casaanka ay haddaba dhex-fadhido, xili ciyaareedkii horena ay dirqiga kaga badbaaday inay dib ugu laabto heerka labaad.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Arsenal vs Tottenham

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Emirates Stadium

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Arsenal waxa ka maqnaan doona saddexda difaac ee David Luiz, Shkodran Mustafi iyo Pablo Mari, waxaanay taasi fursad siin doontaa difaaca reer Brazil ee Gabriel Magalhaes oo wacdaro dhigay ciyaartii hore, gool uu dhaliyey iyo hab-difaacis layaab lehna kaga yaabsaday jamaahiirta.

Granit Xhaka oo jug soo gaadhay ayuu shaki ku jiraa inuu ciyaartan taam u noqon karo, waxaana haddii ay xaaladdiisu adkaato suurtogal noqon doonta Dani Ceballos uu khadka dhexe kasoo garab muuqdo Mohamed Elneny.

Kabtan Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ciyaari doona kulankiisii ugu horreeyey tan iyo markii uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo saddex sannadood oo kale uu kula sii joogayo Arsenal, waxaana uu garab ka heli doonaa Lacazette iyo Willian oo ciyaartii hore xarrago ciyaaray.

West Ham, waxa usoo laabtay Manuel Lanzini oo ku riixi doona Moyes inuu kusoo bilaabo ciyaarta, inkasta oo ay u badan tahay inuu kaydka kasoo muuqdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here