Heshiis Dhacay:Saxiixii 7-aad Ee Chelsea Xagaaga Oo La Xaqiijiyay

0
49

Kabtanka Kooxda Rennes Damien Da Silva ayaa qirtay in uu Goolhaye Edouardo Mendy u qalmo in uu ku biiro kooxda chelsea xilli uu Goolhayayuhu ku dhawyahay in uu u dhaqaaqo Stamford Bridge.

Frank Lampard ayaa doonaya Goolhaye cusub xagaagan kadib markii uu Goolhaye Arrizabalaga qaab ciyaareed liita soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore.

Chelsea ayaa la rumaysanyahay in ay kuu dhawdahay in ay kooxda Rennes kala heshiiso 25 milyan oo euro si ay u hesho Goolhaye Mendy.

Da Silva ayaa qirtay in ay xiddigaha Rennes diidanyihiin in uu Goolhayaha reer Senegal isaga tago kooxda.

“Ma doonayno in aan lumino Edouardo Mendy Laakiin arintaas ayaa ka mid ah kubada cagta iyo suuqa kala iibsiga”ayuu Da Silva u sheegay Telefoot.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here