Heshiis Dhacay: Liverpool Oo Dhamaystirtay Saxiixa Goolhaye Cusub.

0
65

 

Liverpool ayaa la soo wareegtay goolhayaha reer Brazil Marcelo Pitaluga oo ay kala soo wareegeen kooxda Fluminense.

Goolhayaha reer Brazil ee 17 jirka ah ayaa haatanba bilaabay tababarka Reds isaga oo u ciyaari doona kooxda 1-aad ee Jurgen Klopp iyo kooxda Akademiyada.

Pitaluga ayaa ka mid ahaa xulkii Brazil ee ku guulaystay koobka adduunka 17 jirada bishii November ee la soo dhaafay.

Goolhayaha ayaa u ciyaaray kooxda 1-aad ee kooxda Fluminense isaga oo la shaqeeyay walaalka Alisson Becker ee Muriel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here