Heshiis Dhacay: Arsenal & Atletico Madrid Oo Ka Heshiiyay Saxiixa Xiddig Khadka Dhexe Ah.

0
59

 

Kooxaha Arsenal iyo Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiiyeen saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Lucas Torriera kaas oo amaah ugu biiri doona kooxda reer Spain.

Lucas Torreira ayaa ku fashilmay in uu la qabsado kooxda Arsenal taas oo keentay in si joogto ah loo hadal hayo mustaqbalkiisa.

Inkasta oo uu xiiso badan ka helayo horyaalka Serie A-da hadana Atletico Madrid ayaa ah kooxda qarka u saaran saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay kooxda Atletico Madrid Kala heshiisay Arsenal heshiis amaah ah oo ay hal xilli ciyaareed ku haysan doonaan xiddiga.

Xaqiijinta wararkan ayaa la filayaa marka ay Atletico madrid iska fasaxdo xiddiga Hector Herrera kaas oo la filayo in uu isaga tago kooxda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Atletico Madrid dookh u haysato in ay si toos ah 22 milyan ugula wareegto xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here