Halyey Man United ah Oo shegay In Aysan Man united kuguuleysan doonin horyaalka,Maxaa sabab u ah?.

0
51

Halyeeyga Kooxda Man United ee Teddy Sheringham ayaa sheegtay in kooxdiisii ​​hore aysan ku guuleysan doonin horyaalka Premier League inta uu Anthony Martial yahay weeraryahanka 1-aad ee kooxda.

Red Devils ayaa weeraryahanka Martial u isticmaashay weerarka tooska ah tan ilaa markii uu Romelu Lukaku ka tagay kooxda Kuna biiray Inter Milan.

United ayaa ku guuldareysatay inay la soo wareegto weeraryahan kale xagaagan, iyadoo si xoogan u soo jeedineysa in Martial uu mar kale noqon doono weeraryahanka 1-aad ee kooxda xilli ciyaareedkan.

Laakiin Sheringham ayaa aaminsan in ay Tahay in uu Ole Gunnar Solskjaer u baahanyahay in uu la soo saxiixdo weeraryahan cusub si uu kooxda ugu soo celiyo halkii ay markii hore joogtay.

“Manchester United kuma guuleysan doonto horyaalka inta uu Anthony Martial yahay weeraryahanka 1-aad”ayuu Sheringham yidhi.

“Marka aad u ciyaareyso koox sidaan oo kale ah, inaad dhaliso 20 gool xilli ciyaareedkiiba waa wax fiican, laakiin waxa ay koox sida Man United oo kale ah u baahantahay xiddig dhaliya 30 ilaa 35 gool”.

Laacib.net

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here