Halkee Ayuu Edison Cavani Ka Gali Karaa Shaxda Man United Kadib Markii Uu Ogolaaday In Uu Ku Biiro Old Trafford.

0
78

 

Waxa ay sugayeen muddo aad u dheer laakiin Man United ayaa ugu dambayn taageerayaasha Man United kaga farxin doonta weeraryahan cusub ka hor inta uuna suuqu xidhmin.

Ilaa haatan Man United ayaa samaysay kaliya hal saxiix kaas oo ah xiddiga ay 40 milyan kula soo wareegeen ee khadka dhexe ee Donny van de Beek.

Laakiin arintaas ayaa is badali doonta maalmaha soo socda iyada oo United gacanta ku dhigi doonta weeraryahan dilaa ah kaas oo si weyn looga cabsado yurub oo dhan.

Waa xiddigii hore ee kooxda PSG ee Edison Cavani kaas oo la sheegayo in uu qalinka ku duugu doono heshiis 2 sano ah oo uu ku joogi doono Old Trafford.

United ayaa si weyn ugu dhibaatootay suuqa kala iibsiga xagaagan laakiin Saxiixa Cavani ayaa laga yaabaa in ay taageerayaasha ilowsiiso arintaas.

Hadaba wargayska Daily Mirror ayaa soo bandhigay halka laga yaabo in uu Edison Cavani ka gali karo shaxda Man United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here