Halka Wado Ee Arsenal Ka Caawin Karta Saxiixa Jorginho Oo La Ogaaday, Xiddig Kale Ayay Ku Xidhantahay.

0
72

 

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fiirsanayso in ay Jorginho u ogolaato in uu ku biiro kooxda Arsenal xagaagan laakiin waa hadii ay Blues dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham ee Declan Rice.

Rice ayaa la sheegayaa in uu yahay xiddiga haatan ugu cad-cad in ay chelsea u dhaqaaqdo xilli uu Tababaraha Blues ee Frank Lampard maamulka kooxdiisa u sheegay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga reer England.

Jorginho oo dhankiisa xidhay calaamada kabtanimo ee chelsea labadii kulan ee ay ilaa haatan ciyaartay chelsea premier League ayaa la sheegayaa in uu bartilmaameed u noqday kooxda Arsenal.

Wargayska Mirro ayaa sheegaya in ay Chelsea Xiddiga reer Italy u ogolaan doonto in uu ku biiro Chelsea hadii ay dhamaystirto saxiixa xiddiga Rice.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here