Halka Uu N’Golo Kante Ka Gali Karo Shaxda Man United Hadii Uu U Dhaqaaqo Old Trafford.

0
67

 

Kooxda Man United ayaa maalmihii ugu dambeeyay si lama filaan ah loola xidhiidhinayay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee N’Golo Kante.

Chelsea ayaa la aamisanyahay in ay suuqa dhigtay xiddiga reer France si ay boos ugu banayso xiddiga kooxda West Ham iyo xulka qaranka England ee Decline Rice.

Frank Lampard ayaa la sheegayaa in uu maamulka kooxdiisa ku riixayo in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga Decline Rice ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga.

Arintaas ayaa keentay in ay United xidhiidh la samayso wakiilka xiddiga reer France si ay u ogaadaan in ay heli karaan saxiixiixa xagaagan.

Man United ayaa ku dhibaatoonaysa suuqa kala iibsiga xagaagan iyaga oo kaliya sameeyay hal saxiixa lana soo wareegay xiddigii hore ee kooxda Ajax ee Donny Van De Beek.

Wararka ayaa sheegaya in ay United suuqeeeda xagaagan doonayso in ay ku soo xidho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante si ay ugu xoojiso xiddiga khadka dhexe.

Hadaba wargayska Daily Express ayaa soo saaray sida ay noqon doonto shaxda United iyo halka uu Kante ka gali karo hadii uu ku biiro United xagaagan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here