Halka Uu Max Aarons Ka Gali Karo Shaxda Barcelona

0
63

 

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramaaya in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga da’yarka ah ee daafaca Midig uga ciyaara kooxda Norwich City ee Max Aarons sida ay sheegayaan wararku.

Max Aarons ayaa la sheegayaa in uu ogolaaday heshiis 5 sano ah oo uu u saxiixi doono kooxda Barcelona hadii ay kooxdu kala heshiiso saxiixiisa kooxdiisa Norwich City.

Barcelona ayaa Max Aarons u doonaysa badalka Nelson Semedo kaas oo ku dhaw in uu ka tago kooxda kuna biiro kooxda Wolves.

Ronald Koeman ayaa si shaqsi ah u dalbaday xiddiga reer England isaga oo u arka xiddig wax weyn ku soo kordhin doona kooxda.

Barcelona ayaa ku dhibaatootay booska daafaca Midig sanadihii ugu dambeeyay iyaga oo aan helin xiddig ku haboon kooxda.

Hadaba Wargayska Sports Mole ayaa soo saaray halka uu Aarons ka gali karo shaxda Barcelona hadii uu ku biiro kooxda.

Laacib.net

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here