Halka Arin Ee Juventus Ka Hor Istaagtay Saxiixa Paul Pogba Suuqii Xagaaga Oo La Kashifay.

0
45

 

Saxafiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in Juventus ay la soo wareegi laheyd xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba intii lagu jiray suuqii hadii uuna dilaacin xanuunka Korona.

Xiddiga reer France ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu ka tagayo Old Trafford horaantii sanadkan iyada oo lala xidhiidhinayay kooxaha Juventus Iyo Real Madrid.

Laakiin saamayntii uu xanuunka Korona ku yeeshay dhaqaalaha ayaa sabab u noqdatya in ayna labada kooxood u dhaqaaqin saxiixa xiddiga.

Saxafiga Romano ayaa sheegay in hadii uuna xanuunka Korona dilaacin in uu Pogba noqon lahaa xiddig kooxda Juventus u ciyaara xilli ciyaareedkan.

“Hadii uuna dhicin xanuunka Korona, Paul Pogba waxa uu haatan u ciyaari lahaa Juventus”.

“Juventus waxa ay diyaar u ahayd in ay dalab sare ka gudbiso laakiin saamaynta dhaqaale ee uu Korona ku yeeshay kubada cagta ayaa ka hor istaagtay”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here