“Hadii Aan Halkan Arin Ogahay Kama Tageen Chelsea”:-Willian Oo Durba Ka Shalaynaya In Uu Ka Tagay Blues.

0
10

Xiddiga kooxda Arsenal ee Willian ayaa sheegay in uu iska sii joogi lahaa Chelsea iskana diidi lahaa Arsenal hadii uu ogyahay in uu Thiago Silva Ku soo biirayo Chelsea xagaagan sida uu sheegayo wargayska The Telegraph

Thiago Silva oo 35 jir ah ayaa heshiis hla sano ah u saxiixay kooxda chelsea bishii hore kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula joogay kooxda PSG.

Imaatinka Silva ayaa sabab u noqon lahaa in uu Willian sii joogo kooxda Chelsea kadib markii uu xiddigu yidhi”Hadii aan ogaan lahaa in aad imanayso Chelsea waan iska sii joogi lahaa”.

Willian ayaa soo afjaray 7 sano oo uu joogay kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge kadib markii uu bishii hore heshiis 3 sano ah ugu biiray Arsenal.

Laakiin Willian ayaa u muuqda mid ka shalaynaya in uu ku biiray Arsenal waliba sii joogi lahaa hadii uu Thiago Silva ku soo biiri lahaa chelsea ka hor intii uuna ka tagin kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here